Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo eedeyn loo jeediyey.

0

Dadka Shacabka ah ee ku Nool deegaanno hoostaga Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaanka Farbarako iyo deegaanno kale ayaa xilligan ka cabanaya dhibaatooyin dhanka nololosha ah.

Dadkaan ayaa sheegay in ay saameyn ku yeelatay Fatahaad Wabiga Shabiga Shabeelle uu ka geystay Deegaanadaasi islamarkaan ay halkaa biyaha wabigu ay ku qaadeen dhul beereed gaaraya 1500 oo Hektar.

Waxaa ay sheegeen in Masuuliyiin ka socota Maamulka Gobolka shabeelaha dhexe ay halkaasi tageen dhawr Mar islamarkaana aysan jirin wax haba yaraatee illaa hadda ay u qabteen dadka dhibaateysan iyagoo sheegay in ku celcilinayaan in y wax u qabanayaan balse warkoodu afka uusan dhaafsiisaneyn.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo xiriirro kala duwan aan la sameynay ayaa ka gaabsaday arinkaan eedeynta ah ee loo jeediyey in ay faahfaahin ka bixiyaan.

Dowladda Soomaaliya,Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolkaasi iyo Umadda Muslimiinta ah ayey ugu baaqeen i ay wax u qabtaan si bay yiraahdeen aan uga kabsanno waxyeelada fatahaadda wabiga kasoo gaartay.

Wabiga Shabeelle ayaa deegaanada uu ka maro dalka qaarkood waxaa uu ka geystay Fatahaad iyadoona sidoo kale dalka ay ka da’ayaan roobab dabaylo wata kuwaasi oo waxyeeleeyey beeraha ku yaalla deeganada ay roobabku ka da’een ee koonfurta Soomaaliya.

Waxaana ha’adaha ka shaqeeya arimaha Cimilada ay muddooyinkaani ka digayeen qatarta ka dhalankarta roobabka iyo dabaylaha laga cabsida qabo in ay ku dhuftaan gobollo ka mid ah Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here