Gudiyada Arimaha Dibadda iyo Arimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa Maanta Waxaa ay kulana ka yeelayaan Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa ka hadalka Dhibaatooyin la sheegay sidoo kale in Ciidamada Dowladda Kenya ay ka geystaan Xuduudka labada Dal iyo waliba deegaanada ay kaga suganyihiin gobolada jubbooyinka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Kulankan loo dhanyahay islamarkaana ay ku rajoweynyihiin in ay kasoo baxaan qodobo dhaxalgal ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay filayaan in kulanka qodobada kasoo baxa ay kula xisaabtamidoonaan ka guddi ahaan Dowladda Kenya.

