Qaramada midoobe oo muddo kordhin u sameysay howlgalkii la dagaalanka burcadbadeeda soomaalida.

0

Golaha Amaanka ee qaramada midoobe ayaa waqtiga u kordhiyey howl-galka qaramada midoobe ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda soomaalida.

Muddo hal sanaa ayaa qaramada midoobe ay ku kordisay la dagaalanka burcad baeeda soomaalida , waxaana lagu wadaa in lasoo kaba gabeeyo sanadka 2017 ee soosocda.

“marKii aan ogaanay in aysan xasilooni  ka jirin xeebaha soomaaliya walina ay jirto qatarta kooxdaha burcadka badaha waxaan u baahan nay in aan ku kordino howl-galka la dagalanka burcad badeeda soomaalida qaraar dhan 12 bilood”.

Bishii june ee sanadkii 2008-dii ayaa qaramada midoobe ay soosaareen qaraar ogolaanayey in xeebaha soomaaliya la geeyo ciidamo la dagaalamo kooxaha burcad badeeda ah oo xiligaasi qaaday weeraro aad u badan.

Maraakiibta ganacsiga shisheeye ee biyaha soomaaliya isticmaalo ayaa waxaa ay kooxaha burcad badeeda soomaalidu ay bilaabeen in ay afduubtaan maraakiibtaasi kana qaataan lacago madax furashaa.

Howlgalka qaramada midoobe ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa ku e kaa dhamaadka sanadkaan  2015-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here