Madaxweynaha soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka jaamacada carabta oo ka furmy manta dalka sacuudiga.

0

Madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo wafdi balaraan oo uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada riyaad ee xarunta dalka sacuudiga  waxaana uu manta halkaasi uga qeyb galayaa shirkii 4-aad ee jaamacadda carabta oo sidoo kale sanadkaan ay ka qeyb galayaan hugaamiyaasha koonfurta America.

Madaxweynaha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka King Khaled International Airport, waxaa kusoo dhaweyey  Mohammed bin Faisal Abu-Saq  oo ah wasiirka wasiirka golaha shuurada dalkaasi iyo safiirka soomaaliya u fadhiya dalka sacuudiga Khalid bin Abdullah Mufti safiirka soomaaliya ee dalka sacuudiga  Taher Mahmoud Jelly .

Madaxweyne xasan sheikh ayaa marka kulankaasi uu soo idlaado waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda dalka sacuudiga uguna horeeya boqorka dalkaasi salmaan binul cabdulcasis Al-sacuudii.

Shirka 4-aad ee jaamacada carabta ayaa intiisa badan looga hadli doonaa manta dalka yemen oo dagaalo ay ka socdaan iyo kordhinta ciidamada carabta ee dalkaasi jooga dowlada sacuudigana ay hugaamineyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here