Safiirka wadanka shiinaha u fadhiya qaramada Midoobe ayaa beesha caalamka ka codsaday in wadanka soomaliya laga Taageero xasiloonida iyo dhib u dhiska
Liu Jieyi oo qudbad dhinacyo badan Taabanaysa ka jediyay shirkii Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ee ka dhacay Magaalada New York ee wadanka Marekanka ayaa sheegay in beesha caalamka loogu baahan yahay ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo xasiloonida dalka soomaliya,
Safiir Liu Jieyi ayaa sheegay in shacabka dalka shiinaha iyo dowlada shiinaha ay mar walba diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka soomaliya.
Dhanka kale Wadanka shiinaha ayaa kamid ah wadamada inta badan Taageera dowlada soomaliya iyadoona shiinaha mudooyinkii dambe ciidamada amisom ee ku sugan soomaliya uu ka Taageerayay dhanka qalabyada Malatari.

