Raisulwasaaraha dowlada Soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo ka qeyb galay shirkii Golaha amaanka ee qaramada Midoobe oo lagu qabtay dalka Marekanka ayaa beesha caalamka ka codsaday in laga qeyb qaato sidii Nabadii iyo xasiloonidii dib loogu soo celin lahaa wadanka Yemen.
Cumar C/rashiid oo qudbad ka jeediyay shirka Golaha amaanka ee qaramada Midoobe ayaa sheegay in hadii la xaliyo colaadaha xiligaan ka jira dalka yemen ay Faaido badan ugu jirto dalka soomaliya.
Raisulwasaaraha ayaa sheegay in ay meesha ka baxayso arinta ku aadan in ay isku biiraan al-shabaab iyo kooxda qilaafada islaamka ee daacish oo xiligaan ka dagaalanta dalalka Syria, ciraaq iyo koonfurta dalka Yemen.
Cumar C//rashiid cali sharmarke Raisulwasaaraha soomaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay sii yaraaneyso awoodii ay lahaayeen al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dhulka soomaliya.
Hadalka Raisulwasaaraha soomaliya ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe la Hadal haayay arinta ku aadan in ay isku biirayaan al-shabaab iyo kooxda daacish.

