Xidiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa sheegay in ay kooxda Real madrid aysan ka baqeynin kooxda Barcelona ayna guuleysan doonto kulanka loogu magac-daray El Clasico
Los Blancos ayaa laga jabiyay Record-kii guuldaro la’aanta kadib markii ay guuldaro 2:3 ay kala kulantay kooxda sevilla ciyaar ka dhacday garoonka Ramon Sanchez Pijuan Halka ay Barcelona kaga adkaatay 3:0 kooxda Villarreal
Laacibka reer Colombia oo dhaawac kasoo laabtay ayaa aaminsan in kalsooni buuxdo ay isku qabto kooxda Real Madrid ay kaga adkaato kooxda Barcelona kulanka ka dhacaayo Magaalada Madrid.

