Eedeyn Loosoo jeediyay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan

0

Xildhibaanada baarlamanka soomaalia ee ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka Yihiin dadka doonaya  in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe In Lagu qabto Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobalka Hiiran ayaa sicad uga soo horjeestay in shirkaasi lugu qabto Magaalada Jowhar ayagoona sheegay in shirkaasi marti galintiisa ay waqti hore isku diyaarisay magaalada beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Cabdishakuur aadan dhagey oo kamid ah siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa ugu digay xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan in ay qeyb Noqdaan dadka saxiixaya in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe in lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale banaanbax balaaran oo looga soo horejeedo go,aanka xildhibaanada Baarlamanka soomalia ee ka soo jeeda Gobalka Hiiran ayaa maanta la filayaa in uu ka dhaco Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sida uu idaacada simba u sheegay Cabdishakuur aadan dhagey oo kamid ah siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here