Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) oo maanta loogu adkaaday Doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa saxaafada u sheegay in uu tartankan la Galay nin markii Hore Maamulka uu doonayay in uu ku guuleysto doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland,
Axmed Cali Xaashi ayaa maanta loo doortay Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland kadib markii uu helay codod gaaraya 41 Cod Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland uu yahay Mudane Axmed Cali Xaashi.
Dhawaan ayay aheyd Markii xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland uu iska casilay Mudane saciid cali shire oo mooshin ay kasoo Gudbiyeen Tiro xildhibaano ah.

