Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta+ Sawiro

0

Raisul wasaaraha dowlada soomaaliya Mudane cumar Cabdi Rashiid Cali sharmarke iyo madaxweynaha dalka Kenya uhhuro Kenyata ayaa kuwada kulmay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulankaan ay wada yeesheen labada masuul ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi , waxaana Raisul wasaaraha soomaliya kulankaasi ku wehliyey wasiiro. Iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya.

Raisul wasaare cumar cabdi rashiid ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya qodobo badan oo ay ku jiraan ladagaalanka Al-shabab iyo hanaanka soocelinta qaxootiga mudada dheer ku noolaa dalka Kenya gaar ahaan 25-kii sano ee ugu dambeeysay.

Cumar cabdi rashiid cali sharmaake iyo wafdi balaran oo uu hogaaminayo ayaa booqday xerooyinka ay ku jiraan qaxootiga soomaaliyeed sida xerada dhadhaab oo ay ku jiraan qaxootiga ugu badan ee soomaliyeed kuna nool dalka Kenya.

Ugu dambeyntii raisul wasaaraha dowlada soomaaliya cumar cabdi rashiid cali sharmaake ayaa u mahad celiyey madaxweynaha Kenya Mudane Kenyatta  iyo dowlada Kenya sida gaarka ah oo ay u doonayaan in dalka soomaaliya uu noqdo mid xasiloon.

12212124_642479502559289_732873489_n 12212162_642479159225990_1226417194_n 12212269_642479285892644_391699217_n 12212353_642479445892628_1188761162_n 12231156_642479395892633_2100412151_n 12231236_642479169225989_618868542_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here