Waqtiga ay Dhacayso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la Shaaciyay 

0

Kadib kulan ay Maanta ku yeeshteen Xaruntooda Magaalada Garoowe guddiga doorashada Gudoomiyaha  Baarlamanka Maamulka Puntland ayay ku sheegeen in Maalinta isniin oo ay tariikhda Tahay 9-Novermber ay dhici doonto doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.

Guddiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in araaji qabashada ay ka bilaabanayso Maanta oo sabti ah ayna ku eg tahay maalinta bari oo axad ah si ay doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland  u dhacdo 9-November.

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland laga dareemayaa qaban-qaabada ay wadaan musharixiinta u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.

Bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii Gudoomiyihii Baarlamanka Maamulka Puntland saciid cali shire oo iska casilay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland kadib mooshin ay kasoo Gudbiyeen xildhibaano Gaaraya 40-mudane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here