Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh xaamud ay wehliyaan saraakiil ka Tirsan booliska soomaliyeed iyo Maamulka degmada xamar Jajab ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay xarun cusub oo laga hergalin doono saldhig Boolis cusub.
Sidoo kale dhagax dhiga saldhiga cusub oo dhawaan laga hergalin doono degmada xamar jajab waxaa ka Hadlay Gudoomiyaha degmada xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore isagoona sheegay in Maamulkiisa ay soo dhaweynayaan dhagax dhiga saldhiga cusub ee degmada xamar jajab.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed Maxamed sheikh Xasan xaamud oo ka hadlay Goobta ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatada degmada xamar jajab iyo dadka degmada in si wadajir ah ugu qeyb qaataan dhismaha xarunta cusub ee saldhiga Booliska degmada xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

