Todobo Awaamiir oo lagu Soo Rogay Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho

0

Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa Awaamiir kusoo Rogay Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya,

Awaamiirtaan waxaa ku saxiixnaa Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Tuur Yare

Halkaan kala soco qaar kamid awaamiirta lasoo saaray

  1. Hoteel walba waa inuu Sameeyaa Labo Kontorool Baaxadda u dhaxaysa Kontoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah Albaabka laga soo galayo, waa in uu yahay Masaafo dhan 100 Mitir.
  2. Waa in Hoteel walba uu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.
  3. Dadka Degaya Hoteelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.
  4. Qof kasta oo soo booqanaya Muwaadin degan Hoteelka waa in laga Qoraa Qofka uu soo booqanayo,Qofkasta oo ka soo Shaahenaya Hoteelka ama u soo sheeko Doonanaya waa in laga diiwaan galiyaa ID CARD uu wato Ama Magaciisa la qoro.
  5. Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeynaya waa in laga Diiwaan Galiyaa Xarunta NISA ee Degmada uu ku yaal Hoteelkaas,lana mariyaa Baaritaan Amni Shaqaale walba,waxii Caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo Xariiri karaan Hay’addaha Amniga.
  6. Hoteel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala Xisaabtami doonaa Milkilaha Hoteelka.
  7. Hoteel Walba waa inuu leeyhay Qalabka Casrigaa ee Gaadiidka iyo Dadka.

Ugu dambeen  waxaa lagu Amray Hoteelkii buuxin Waaya Sharuudaha kor ku Xusan in uusan Shaqeyn karin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here