Taliska Booliska Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha dhexe ayaa ka warbixiyay Howlgalo baaritaano ah oo saakay laga sameeyay Magaalada Jowhar
Taliye Ku-xigeenka ciidamada Booliska Magaalada Jowhar Geele Isaaq Warsame oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Howlgalo amaanka Lagu xaqiijinaayay oo laga sameeyay Magaalada Jowhar iyo awaamiir Lagu soo rogay Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.
Geele Isaaq Warsame Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay In Howlgalada Lagu soo qab-qabtay Rag Burcad ah kuwasoo mobilada ka dhacayay dadka ku Nool Magaaldaa Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.
Taliska Booliska ayaa sidoo kale Tilmaamay In Howlgaladaan la sameynaayo loogu Talagalay xaqiijinta amaanka Guud ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha dhexe.

