Raisulwasaaraha Soomaliya oo Taliska Amisom kala Hadlay la Dagaalanka al-shabaab iyo Wada-shaqeynta

0

Raisulwasaaraha dowlada somaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo Taliyaha  ciidamada amisom  General Jonathan Rono ayaa kulan ku yeeshtay Magaalada Muqdisho iyagoo ka wada-Hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya soomaliya iyo Uganda iyo sidii loola dagaalami lahaa xarakada al-shabaab

Agaasimaha xafiiska siyaasada amisom Ssebirumbi Kisinziggo, Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska amisom Christine Alalo iyo Afhayeenka ciidanka amisom  Lt. Col. Paul Njuguna iyo Madax kale ayaa kulanka ka qeyb gashay  kasoo ka dhacay xarunta xalane

Ugu Horeyntii Raisulwasaaraha dowlada soomliya Cumar C/rashiid ayaa sheegay in kulanka diirada Lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya soomaliya iyo Uganda gaar ahaan Taliska amisom ee soomaliya,

“ waxaan guulo ka gaarnay dagaalada ay kula jirno al-shabaab waxaan la wareegnay goobo badan ay ku sugnaayeen al-shabaab anaga iyo ciidamada midowga Africa ee amisom Mudooyinkii Dambe wada shaqeyntaas way sii socon doontaa ayuu hadalkiisa sii raaciyay Raisulwasaare cumar C/rashiid sharmarke.

Taliyaha Guud ee ciidamada amisom ee soomaliya  General Jonathan Rono ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga Africa ee amisom.

Amisom ayaa Dowlada soomaliya  ka taageerta la dagaalanka al-shabaab iyo qalabeynta ciidamada dowlda soomaliya iyo kuwa Booliska iyadoona marar badan amisom ay dowlada soomaliya gudoonsiisay Qalabyo Malataria

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here