Goolhayihii Hore ee kooxda Manchester United David James ayaa aaminsan in uusan Boos ka heli laheyn Goolhaye David de Gea haduu u dhaqaaqi lahaa kooxda Real Madrid ee Horyaalka dalka Spain
David James ayaa Rumeysan Bandhiga wanaagsan ee Goolhaye Keylor Navas ay kaga dhiganaan laheyd in uu booskisa kowaad waayo goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Spain David de Gea
David de Gea ayaa Mudooyinkii dambe lala xiriirnayay u dhaqaaqista kooxda Real Madrid ee Horyaalka dalka Spain intuu ku furnaa Suuqa kala iibsiga wallow heshiiska uu Burburay waqtigii ugu dambeeyay

