Baarlamanka Maamulka Juba-land oo Waqti Kordhin u Sameeyay Axmed Madoobe si uu Xukuumadiisa Usoo Dhiso

0

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Juba-land ayaa maanta si aqlabiyad leh ugu codeeyay In waqtiga loo kordhiyo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxmed islaam axmed Madoobe si uu xukumadiisa usoo dhiso

Kulan ay Maanta ku yeeshteen Xarunta Baarlamanka ee Magaalada Kismaayo ayay ugu codeeyeen haa in waqti loogu daro Madaxweyne axmed madoobe si xukuumadiisa ugu soo magacaabo.

Kulankiii Maanta waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 59 Xildhibaan, Cod u qaadista  markii ay bilaabatay ayaa 54 Xildhibaan waxaa ay u codeeyeen in Madaxweynaha lasiiyo 2 bilood oo kale si xukumadiisa usoo magacaabo Sadex Xildnibaan ayaa ka aamustay, Laba Xildhibaan ayaa diiday,

Marar badan waxaa hakad ku Yimid soo magacaabida Golaha wasiirada Maamulka Juba-land oo xiligaan laga sugaayo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed islaam axmed Madoobe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here