Siyaasi Dahir C/llaahi muuse ciiro oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya kana mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Simba ayaa eedeyn kala dul dhacay madaxweynaha Maamulka Puntland.
Waxaa uu sheegay in Madxweyne Gaas uu isticmaalayo awood ka baxsan awoodda dastuuriga ah ee uu leeyahay islamarkaana uu musuqmaasuq baahahsan uu ka jiro wasaradaha iyo laamaha maamulka Puntland.
Tusaale ayaa waxaa uu usoo qaatay ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Gaas ayuu sheegay inay weeraro ku qaadeen dhawr magaalo oo kamida magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland walina aanan lala xisaabtamin islamarkaana uu la xisaabtankooda uu diidanyahay madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed cali Gaas.

