Deg:Deg:-Banaanbax Kasocda Magaalada Hobyo.

0

Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee gobolka mudug ayaa sheegay in hadda magaladaasi uu kasocdo banaanbax ay ka qaybgalayaan wasiirro ka tirsan maamulka galmudug.

Ujeedka Banaanbaxa ayaa lagu sheeagay inuu yahay mid lagu tageeraayo qodobada kasoo baxay kulan looga hadlaayey sidii loo dhisilhaa maamul ay yeelato magaalada Hobyo oo dhaxmaray wasiirada Maamulka Galmudug iyo waxgaradka Degmada Hobyo.

Dadka Dibad baxa dhigayey ayaa ku qeylinaayey erayo ay ku taageeraayaan Maamulka Galmudug waxaana goobta ka hadlay masuuliyiin ka mida wasiirada Maamulka Galmudug ee ku sugan Magaaladaasi.

Waxaana Dibad baxayaasha oo wasiiradu ay lasocdaan ay socod dheer kusoo mareen dhamaamba xaafadha Magaaladaasi.

inta Kulanku uu socday ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo oo hadda uu ka muuqdo burbur xoogan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here