Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo baadigoobaya Diyaarad shalay ku dhacday Gobolkaasi.

0

Waraka Saaka Ka imaanaya Deegaanada u dhexeeya Degmada Afgooye iyo Deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in wali masuuliyiinta maamulka Gobolka shabeelaha hoose ay raadinayaan halka ay ku dhacday diyaarad laga lahaa dalka maraykanka oo ku dhacday qeybo ka mid ah gobolkaasi

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay inay wali baadigoobayaan halka ay diyaaraddu ku dhacday.

waxaa uu sheegay in wali lagu jiro baadigoobka diyaaradda iyo ndadkii saarnaa, waxaana uu waxba kama jiraan uu ku tilmaamay warar sheegaya in diyaaradda iyo dadkii saarnaaba ay gacanta u galeen Xarakada Al-shabaab ma uusan sheegin halka ay dadkaasi joogaan balse waxaa uu kusoo koobay hadalkiisa inay bad qabaan.

Diyaaraddan ayaa la sheegay in laga lahaa dalka Maraykanka balse ay u kireysneyd qandaraaslayaal la shaqeeya Ciidamada Amisom sida Radio Simba ay u Xaqiijiyeen ilo-wareedyo muhiim ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here