Xilli uu shalay iscasilay gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Cali Shire ayaa Waxaa deegaanada Puntland Durbaba ka bilowday qorshe ku aaddan soo Magacaabidda Ruuxii badalilahaa Gudoomiyaha Shaqada Ka tagay.
Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Gudoomiyaha Saxda ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Xildhibaan ka tirsan Gudiga Arimaha gudaha Baarlamaanka Puntland oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay inuu Socdo Qorshe ku aaddan arinta ah Magaacaabidda Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Saciid Xasan Shire Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay Shalay oo arbaco ahayd inuu si rasmi ah uga tagay Shaqada Baarlamaanka Maamulkaasi uu u hayey ka dib qilaaf baahsan oo soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland.
Waxaana arintaan iscasilaadda ah qilaaf ka dhashay uu sababay inay xaalad kacsanaan ahi ka aloosanto deegaanada Puntland.

