Laacibkii Hore ee xulka dalka France iyo kooxda Liverpool Djibril Cisse ayaa ku dhaawaqay in uu ka Fariistay xirfada Kubada Cagta
Djibril Cisse 34 jir ah ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay beeniyay wararka ku aadan in uu ku kacay waxyaalo anshax daro ah sida arimo la xiriira Galmada
Cisse ayaa xirfadiisa Kubada Cagta kasoo Bilaabay kooxda dalka France Auxerre sanadkii 1998 isagoona sanadkii 2004 usoo dhaqaaqay kooxda Liverpool
Xidigaan ayaa sidoo kale usoo ciyaaray Marseille, Sunderland, Panathinaikos iyo QPR xulkiisa dalka France ayuu u dhaliyay 9-Goal 41-kulan uu kasoo Muuqday

