Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in ay kooxdiisa diyaar u tahay in ka Hortakto kooxda Real Madrid ciyaaraha Champions League kadib labo Gool uu ka dhaliyay kooxda Bastia.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Sweden ayay ku qaadatay in uu labo dhaliyo 20-daqiiqo xili kooxda Paris Saint-Germain aan laga adkaanin 10-kulan oo xiriir ah Kulamada Horyaalka Spain
Sidoo kale kooxda Paris Saint-Germain ayaa adkaatay labadii kulan ee furitaanka koobka Champions League waxayna Bandhig wanaagsan ay ku bilowdeen qaarada Yurub
Zlatan Ibrahimovic oo saxaafada la Hadlay kadib guushii kooxda Bastia ayuu sheegay in kooxda Caasimada dalka France ay diyaar u tahay ka Hortagida kooxda caasimada Spain ee Real Madrid

