Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Jawaari oo Sheegay in la Xaliyay Mooshinka Madaxweynaha Laga Soo Gudbiyay

0

Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo saxaafada maanta la Hadlay ayaa sheegay in Gabi ahaanba lasoo afjaray Mooshinkii Madaxweynaha soomaliya laga soo Gudbiyay

Kulan Maanta ka dhacay Xarunta villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa wada qaatay xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya oo dhawaan Mooshinka ka Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya iyo Raisulwasaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo saxaafada la Hadlay markuu soo dhamaaday kulanka ayaa sheegay in Gabi ahaanba lasoo af-jaray  mooshinkii madaxweynaha soomaliya laga soo Gudbiyay bishii aynu soo dhaafnay

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa dhankooda sheegay in aysan ku qanacsaneen sidey wax u dhaceyn

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here