Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa umada soomaaliyeed meel walba ay joogaan u direy Hambalyo ku aadan maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaas oo la sameeyay sanadkii 1954 oo hadda laga joogo 61 sano.
Isagoona saxaafada la Hadlayay ayuu sheegay Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” in maanta ay tahay maalin ku weyn dhamaan umada soomaliyeed meel walba ay dunida ka joogaan dowlada soomaliyana ay dhigi doono xaflado lagu xusaayo munaasabada maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa fikirka iska lahaa calanka buluuga ah oo shanta xidig dhexda ku leh 12 bishii Octoober sanadkii 1954 ayayna aheyd maalintii ugu horeysay ee calanka laga Taago Gayiga soomaliya

