Xildhibaanad Xaawo C/laahi Qayaad oo ka mid aheyd Barlamaankii KMG ee dalka soo Maray ayaa sheegtay in xalka Mooshinka Madaxweynaha soomaliya laga soo Gudbiyay in uu jiro in codka Kalsoonida loo qaado si xal Buuxdo loogu Gaaro Mooshinka
Xaawo C/laahi Qayaad oo kamid ah xildhibaanadii lasoo shaqeeyay dowladihii KMG-ga ee dalka soomaliya Horey u soo Maray oo wareysi siisay Idacaada simba ee Magaalada Muqdisho ayay ku sheegtay in xalka Mooshinka uusan ku jirin wadahadal ee xalka uu yahay in codka Kalsoonida ay u qaadaan xildhiibanada Baarlamanka Mooshinka laga soo Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud
Dhawaan ayay aheyd Markii xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ay u Gudbiyeen gudoonka Sare ee Baarlamanka

