Wararka ka imaanaya Magaalada Gaza ayaa sheegaya in Ciidamada dowlada israaiil ay duqeyn ku dileen dad Falastiniyiin ah kadib duqeyn ka dhacday meel u dhow Marinka Gaza
Duqeynta ayaa la sheegay in ay ku dhimatay haweeney 5-bilood uur laheyd iyo Gabadheeda oo 3-sano jir aheyd kuwasoo ku sugnaa meel u dhow Gaza xiliga duqeynta ay dhacaysay sida la xaqiijiyay
Laamaha caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegay in haweeney da’deeda ay aheyd 30-jir oo lagu magacaabo Noor Hassan iyo gabadheeda oo lagu magacaabo shehd in ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday Marinka Gaza
Meesha la duqeeyay ayaa la sheegay in xurumo lagu Tababaro Ciidamada ay ku lahaayeen kooxda Hamas waxaana Halkaas ka ak dhawaa Guriga haweeneyda dhimatay iyo Gabadheeda

