Xarakada al-shabaab ayaa soo Bandhigtay sarkaal la sheegay in uu ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugnaa qeybo kamid ah Degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose
Idaacadaha ku hadla afka al-shabaab ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya sarkaal wata dharka ciidamada dowlada soomaliya oo al-shabaab ay sheegeen in uu ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugnaa degmada afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose
Al-shabaab ayaa magaca sarkaalkaan ka Tirsanaa ciidamada dowada soomaliya ku sheegay Muxamad Xaaji Cali waxayna ay Tilmaameen in uu lasoo shaqeeyay dowladihii dalka soomaliya soo maray sanadihii dambe
Kadib dagaal ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka shabeelaha Hoose al-shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaladaas iyagoona Tilmaamay in dagaalkaas ay ku qabteen sarkaal ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya
Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ay kaga Hadlayaan sheegashada al-shabaab ee ah in ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya








