Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. S/G Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa maanta Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho kusii sagootiyay Taliyihii hore ee Ciidanka X.D.S Gen. Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe” oo u ambabaxay dalka dibeddiisa
Waxaa sidoo kale Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusii Sagootiyay Taliyihii hore ee Ciidanka X.D.S Daahir Aaden Cilmi Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawa Xasan Maxamed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cismaan Daallo. Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaggaa iyo xubno kale oo isagu jira Saraakiil iyo Siyaasiyiin kale
Dhawaan ayay aheyd Markii xil ka qaadis lagu sameeyay Gen. Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe” kadib shir ay yeeshten Golaha wasiirada dowlada soomaliya




