Sida ay sheegayaan wararka naga soo Gaaraya degmada Af-gooye ee Gobolka shabeelaha qarax xoogaan ayaa ka dhacay Gudaha degmadaas kasoo geystay qasaaro Dhimasho iyo dhaawac
Qaraxa ayaa ka dhacay suuq xoolaha ee degmada afgooye waxaa ku dhintay 3ruux oo mid kamid ah uu ahaa askari ku sugan gudaha suuqa Xoolaha ee degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha hoose
Maamulka degmada afgooye ee dowlada soomaliya aynu xiriiro la sameenay ayaa ka Gaabsaday in ay ka Hadlaan qaraxa Maanta ka dhacay Gudaha degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha hoose
Dhanka kale Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa midka dhulka Lagu aaso ee loo Yaqaano Miinada waxaa La sheegay in qasaaro uu dhaliyay Markuu dhacay Kadib

