Frank Rijkaard :Jurgen Klopp waa Mid ku Guuleysan Kara shaqada kooxda Liverpool hadii loo dhiibo

0

Macalinkii Hore ee kooxda Barcelona Frank Rijkaard ayaa aaminsan in macalin Jurgen Klopp u ku guuleysan doono shaqada kooxda Liverpool xili lagu badali doono macalinkii shaqada laga Ceyriyay ee Brendan Rodgers

Kooxda Reds ayaa axadii aynu soo dhaafnay  shaqada ka ceyrisay macalinka kasoo jeeda Woqooyiga Irish kadib markii uu Barbaro uu la galay kooxda Evertoon

Tan iyo xiligaas waxaa shaqada laga xiriirinaayay macalinkii Hore ee kooxda Borussia Dortmund Klopp Ninka reer Germany

Macalinkii Hore ee kooxda Barcelona  Frank Rijkaard  oo saxaafada la Hadlay  ayaa sheegay in ay iska jiraan warar xan ah kuwasoo ku aadan in shaqada kooxda Liverpool loo dhiibo doono macalin Klopp laakin uu aaminsan in shaqada ay ku Haboon tahay macalinka lagu xamanaayo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here