Macalinka xulka dalka Holland Danny Blind ayaa u rajeeyay Guul wacan xidigii Hore ee kooxda Manchester United Robin van Persie’s kadib markii uu ku biiray kooxda dalka Turky ee Fenerbahce.
Van Persie ayaa ka dhaqaaqay kooxda Manchester United kadib markii uu booskiisa ka waayay wuxuuna kusoo Bilowday kaliyah 6-kulan dhamaan kulamada uu u ciyaaray xili ciyaareedkaan
32-jirkaan Horey Ugu soo ciyaaray kooxda arsenal ayaa haatan ah mid ku raaxeysanaya Horyaalka dalka Turky-ga gaar ahaan kooxda Fenerbahce. Isagoona u rajeeyay laacibka reer Holland guul weyn

