Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Samir Nasri ayaa hoos u dhigay wararka ku aadan in uu dib ugu laaban doono xulka dalka France ciyaaraha Uero 2016
Laacibkii Hore ee kooxaha Marseille iyo Arsenal ayaa markiisan ugu dambeeysay kasoo Muuqday xulkiisa France sanadkii 2013 tan iyo xiligaas kama uusan soo muuqan xulkiisa dalka France
Sidoo kale laacibka kooxda Manchester City samir Nasri ayaa iska diiday in xulkiisa France ku laabto ciyaarihii koobka aduunka oo sanadkii 2014 lagu qabtay dalka Brazil oo Germany ay ku guuleysteen
Nasri ayaa sumcad ku lahaa xulka dalka France laakin waxa uu xulkiisa ka sameeyay arin Ganaax uu ku Mutestay kadib markii uu af-lagaadeeyay saxifiyad wareysi la yeelatay kadib guuldaradii 2012-uero kasoo gaartay xulka dalka Spain

