Xidiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa loo Magacaabay laacibka sanadka ee xulka dalka Wales waana markiisa 5-aad uu ku guuleysto abaalmarintaas
Gareth Bale ayaa aruursaday abaalmarintii 5-aad ee xulka dalka wales kadib markii uu u dhaliyay 6-Goal ciyaaraha isreebreebka Uero 2016 sidoo kale waxaa helida abaalmarinada ka qeyb qaatay xidiga kooxda Liverpool Joe Allen
Bale ayaa xulka dalka wales ku Hogaamin doono usoo Bixitaanka Ciyaarayaha Isreebreebka Uero 2016 hadii ay haleen Hal Dhinac oo kaliyah ciyaaraha ay la ciyaarayaan xulalka Bosnia-Herzegovina iyo Andorra
Dhanka kale xaflad lagu qabta Gobolka Wales ayna soo qaban qabiyeen Football Association of Wale ayaa sidoo kale waxaa xidiga Bale la gudoon siiyay abaalmarinta xidiga ay ugu jecel Yihiin Taageerayaasha xulka dalka Wales

