Francis Coquelin iyo Thierry Henry  : Theo Walcott Waa in uu Ciyaaraa Weerarka Xulka Dalka Ingiriiska

0

Laacibkii Hore ee kooxda arsenal Thierry Henry iyo xidiga qadka dhexe ee kooxda arsenal Francis Coquelin  ayaa aaminsan in waajib ay tahay in u kusoo Bilowdo xulka dalka ingiriiska  qeybta weerarka xidiga Theo Walcott

Xidiga kooxda arsenal Theo Walcott ayaa Bandhig wanaagsan ku Bilowday xili ciyaareedkaan kadib markii uu kusoo Bilowday kulamada Horyaalka dalka Ingiriiska qeybta Hore ee weerarka

Theo Walcott wax Gool ah ma dhilinin kulankii laga adkaatay kooxda Manchester United wallow ay goolal dhaliyeen xidigaha Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil laakin xidiga ay isku kooxda yihiin ee Coquelin ayaa aaminsan in weerarka xulka ingiriiska uu ciyaari karo xidiga Theo Walcott

Sidoo kale waxaa sidaas aaminsan laacibkii Hore ee xulka dalka France Thierry Henry iyo kooxda arsenal  oo la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga Theo Walcott

Xulka dalka ingiriiska ayaa ciyaaryaha Uero 2016 isreebreebka la ciyaari doona xulalka Estonia iyo Lithuania xili Todobaadka dambe la ciyaari doono ciyaarahaas

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here