Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in uu kooxda Chelsea ka Tagi doono Hadii uu Lumiyo Kalsoonida ciyaartooda ku sugan Garoonka Stamford Bridge
Macalinka reer Portugal ayaa Cadaadis Xoogan la Kulmaya xili ciyareedkaan kadib markii uu ku Bilowday qaab ciyaareed aad u xun waxuuna kooxda ku Hogaamiyay Kaalinta 16-aad ee kala sareynta Horyaalka ingiriiska
Macalinkii Hore ee kooxda Real Madrid Morinho oo saxaafada la Hadlaayay kadib Guuldaradii Todobaadkaan la Kulmay ayuu sheegay in uu ka Tagi doono kooxda Chelsea waa haduu lumiyo Kalsoonida ciyaartooda kooxda Blues

