Saraakiisha ciidamada Dowlada soomaaliya ee gobolka jubada hoose oo beeniyay in gaadiid iyoi hub ay ku wareejisay wasaarada gaashaandhiga soomaaliya

0

Xilli Shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Madax Ka Socota Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiggu ay tageen  islamarkana ay sheegeen inay gaadiid dagaal iyo hub ku Wareejiyeen Ciidanka Dowladda ee isku Dhafka ah kuna Xaraysan Jaamacadda Magaalada Kismaayo.

Waxaa arintaasi beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka.

C/rashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenka Ciidanka Dowladda ee kusugan Gobolka Jubada Hoose oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay inaysan jirin Wax hub iyo Gaadiid ah oo lagu wareejiyey Ciidanka Dowladda balse ay la wareegeen Ciidanka Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayuu Sheegay in ay qaab qaldan u wajahday Wareejinta Gaadiidka iyo Hubka shalay laga dajiyey Dekadda Magaalada Kismaayo.

Halkaan ka Dhageyso Codka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here