Ruux Bam gacmeed Watay oo lagu Qabtay Gobolka Baay.

0

Wararka Ka Imaanaya Deegaanka Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in Saaka Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku qabteen Deegaankaasi Ruux lagu sheegay inuu Doonayey Bam nuuca gacanta laga tuura ah  inuu ku weeraro Fariisimo Ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed.

Cor.C/llaahi Sh.maxamed oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in ruuxan ay ciidanku gacantu ku dhigeen isagoo doonaya inuu abaabulo fal ka dhan ah ammaanka deegaankaasi haddana uu gacanta ugu jiro ciidamada Ammaanka ee koonfurgalbeed dhawaanna ay maxkamad soo taagayaan.

Halkaan Ka dhageyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here