israsaaseyn Qasaare dhalisay oo maanta ka dhacday K/Gaalkacyo.

0

Wararka Laga Helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kusoo Waramaya in maanta halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in risaaseyntu u dhexeysay kooxo hubeysan oo la sheegay inay isku qabsadeen arima qoys sida ay inoo xaqiijiyeen dadka ku nool Magaalada gaalkacyo,

Inta la ogyahay 2-ruux oo Rag ah ayaa ku geeriyootay halka mid kalena uu ku dhaawacmay dhacdada maanta ka dhacday Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Simba in arintu ay jirto islamarkaana ay wadaan hadda dadaallo ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan arintan Sababtay gacan ka hadalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here