Maamulka KGS oo Guddi u Magacaabayo Banaanbaxyadii Ka Dhacay Baydhabo+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Guddi  baaritaan loo magacaabayo Banaan-baxyadii dadka ay ku dhinteen ee ka dhacay Magaaladda Baydhabo ka hor doorashadda Madaxweynaha Maamulkaas.

Nuur Abuukar Gacmo Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed(Lafta Gareen), uu magacaabi doono Guddi baaritaan ku sameeya banaanabaxyadii loogu soo horjeeday xarigii Muqtaar Roobow oo Dowladda ay kasoo afduubtay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in Guddiga la magacaabay, balse la sugayo in qaab wareegto ah uu kusoo saaro madaxweyanaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta gareen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Wakiilkii Qaramadda Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, uu ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in ay cadeymo u keento xarigii roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaaladda Baydhabo.

Jawaabta Dowladda ayaa noqotay in dalka laga ceyriyo Denjire Haysom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here