Maraykanka oo Sheegay Inuu Yareynayo Duqeymaha uu Ka Fuliyo Gudaha Soomaaliya

0

Millitary ga Mareykanka ayaa qorsheynayo inuu yareeyo duqeymaha uu ka fulinayo Soomaalia ee ka dhanka ah Al Shabab waxa ayna sheegeen inay goobo ka qabsadeen Al Shabab sida ay xaqiijiyeen labo kamid saraakiisha sar sare ee Mareykanka oo la hadlay warbaahinta NBC News.

Arrintan ayaa waxa ay daba socotaa go’aanka uu Donald Trump ku yareynayo ciidamadiisa howlgallada ka fulinaya waddamo badan oo caalamka ah.

Al-Shabab ayaa la sheegayaa inay wali qatar taagan ku tahay dowladda Somalia iyo dowladaha dariska la ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii lasoo dhaafay shaaciyey inuu ciidamadiisa kala baxayo dalka Syria sidoo kale ay macquul tahay inuu ciidamadiisa kala baxo dalka Afghanistan.

Saraakiil hore iyo khubaro ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in qorshaha uu wado Trump ay abuuri karto in weeraro argagaixiso ay fuliyaan kooxaha al Qaeda iyo ISIS islamarkaana ay la beegsadaan dadka u dhashay Mareykanka iyo waddamada reer galbeedka.

War qoraal ah oo kasoo baxay waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in “ma jiri doono is badal deg deg ah oo ku yimaado howlgaladeena Somalia.

Waan sii wadi doona taageerada aan siineyno dowladda Somalia iyo dadaallada lagu cirib tirayo Al Shabab.”

Markii uu xilka madaxtinimo la wareegay, Trump waxa uu Somalia kusoo daabulay ciidamo dheeri ah waxa uuna amar ku siiyey inay fuliyaan duqeymo badan oo ka dhan ah Al Shabab.

Mareykan waxa Somalia ka jooga in ka badan 500 oo qof oo isugu jiro askar, shacab iyo qandaraasleyaal sida laga soo xiganayo taliska Mareykanka ee Africom.

Mareyka ayaa Somalia ka fuliyey weeraro badan oo duqeymo ah isagoo la bartilmaameedsaday xarumo ay leeyihiin Al Shabaab, sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 waxa uu mareykanku Somalia ka sameeyey 47 weerar oo duqeymo ah, halka 35 duqeyn ay sameeyeen sanadkii 2017 sida laga soo xiganayo Africom.

Millitay-ga Mareykanka ayaa arbacadii lasoo dhaafay weerar ay ka fuliyeen agagaarka Dheerow Sanle ku dilay qiyaastii 10 dagaalame oo ka tirsan Al Shabab, halka 19-kii December ay labo weerar ay fuliyeen ay ku dileen 11 dagaalame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here