Maxamed Bare:”Diyaaradaha Mareykanka Ma Aysan Burburin Guryo Shacab”,

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyay in diyaaradaha Dowladdda Mareykanka ay burburiyeen guryo dad shacab ah ay lahaayeen, kadib howlgal ay ka fuliyeen Deegaanka Awdhiigle.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hooose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed ibraahim bare oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Waxa uu sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka iyo Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay beegsadeen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka,islamakaana uusan jirin khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in lasii wadi doono howlgaladda ka dhan ah Al-shabaab-ka ku sugan Gobolka Shabeelaha hoose.

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka iyo Ciidamadda Danab ayaa Todobaadkaan dhamaadkiisa weerar ku qaaday deegaanka Awdhiigle ay ku sugan Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here