Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in dib u dhac uu ku Yimid shirkii Maanta la filayay in uu ka Furmo Magaalada Kismaayo ee Lagu go’aamin lahaa nooca doorashada soomaliya ka dhacaysa,
Sababaha shirka uu dib ugu dhacay ayaa Lagu sheegay in Magaalada Kismaayo aysan gaarin qaar kamid ah Madaxda dowlada soomaliya sida Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud oo ah qofkii furi lahaa shirka,
Inkastoo Magaalada kismaayo ay ku sugan Yihiin madax ka Tirsan soomaliya sida raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmrka iyo Madaxweynahayaasha Maamulada Goboleedyada dalka ka jira, ayaa hadana shirka waxaa lala sugayaa in uu Furo Madaxweynaha soomaliya oo la sheegay in uusan gaari Kismaayo,

