Shirka Horumarinta Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya Oo Muqdisho ka Furmay+ Sawiro

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ka Furmay Shir loogu magac-daray  horumarinta istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wasaaradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada dalka ka jira , ururrada saxaafadda soomaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya. Waxaana shirka soo qaban-qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda soomaliya,

Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo shirka goor dhaweyd Furey ayaa sheegay in muhiimad gaar ah shirkaan u leeyahay saxaafada Soomaliya isagoona mahad balaaran u jeediyay dadkii soo qaban-qaabiyay shirka,

Shirkaan ayaa daba socda shirkii qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoona  qodobadii laga soo saaray ay ku jireen in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinayo shanta sano ee soo socota.

shirka ayaa socon doona Mudo Labo maalin ah waxaa la filayaa in war Murtiyeed laga soo saaro gaba-gabada shirka

12506682_10201327564788709_465650134_n-1-768x576

12544816_10153467781557087_1196664727_o-768x432

12546127_10153467781397087_1649144567_o-768x432

12546172_10153467781227087_1115029591_o-768x432

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here