Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn uu ku Dilay 62 Ka Tirsanaa Shabaab

0

Taliska howgallada Mareykanka ee Africa marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in military-ga  Mareykanka ay dileen 62 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab kadib lix weerar oo duqeymo ah kana dhacay deegaanka Gendershe oo dhanka koonfureed kaga beegan gobolka Benadir.

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in afar weerar oo dhacay sabtidii ay ku dileen 34 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab halka labada weerar ee kale ay dhaceen axaddii waxa ayna Mareykanku sheegteen in weeraradii axadda ay ku dileen 28 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Weerarkan duqeynta ah ayaa loo arkaa inuu yahay mid kamid ah weerarada ugu dhimashada badan ee Mareykanku ka fuliyey Somalia sanadkan sii idlaanaya ee 2018, waxa uuna taliska Mareykanka ee Africom uu sheeegay inaysan wax khasaaro ah islamarkaana dhimasha iyo dhaawac ah aysan kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Somalia ka taagereyso dagaalada lagula jiro kooxaha dowladda kasoo horjeedo waxa ayna weeraro dhanka hawada ah ka fulisay goobo badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Somalia.

Inta badan taliska Africom ayaa howlgalladiisa Somalia la beegsado xarumo ay leeyihiin Al shabab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here