Kooxda Daacish faraceeda ka dagaallama Somaliya ayaa sheegtay inay dagaal toos ah ay kula galeen waqooyiga Somalia xubno ka tirsan Al Shabab islamarkana ay dagaalkaasi kaga dileen 14 dagaalan yahan.
Bayaan ay soo saartay kooxda Daacish islamarkaana lagu daabacay Page-ka ay wararkeeda ku faafiso ee Amaq News ayaa lagu yiri
“askar ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ururka Al-Qaacidada Soomaaliya gaar ahaan deegaan ku yaallo galbeedka Qandala ayaa isku diyaarinayey inay weeraraan xarumaha kooxda Khilaafada Islaamka ay ku leedahay gudaha Somalia.”
Warka ay soo saartay Daacish ayaa intaas kusii daraya in 14 kamid ah dagaalyanada Al Shabaab ay dhinteen, qaar kalena la dhaawacay, islmarkaana hubkoodii iyo qalabkoodiina ay la wareegeen kooxda Daacish. ”
Dagaalkan dhexmaray dhinacyada Al Shabaab iyo Daacish wali ma aysan baahin warbaahin ka madax banan kooxda Daacish, walina Al Shabaab wali wax war kama aysan soo saarin.
Isku dhacyada dhinacyadan Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Somalia ayaa soo badanaya, iyadoo bishii lasoo dhaafay Kooxda Daacish faraceeda Somalia uu soo saaray warqad digniin ah oo ku socota Al Shabab.
Ururada Daacish iyo Al Qaeda ayaa waddamo badan oo caalamka ah ku dagaalamayey tan iyo sanadkii 2014, waddamada ugu badan ee dhinacyadan ay ku dagaalameen ayaa waxa ay kala yihiin Syria iyo Yemen, ururkan uu aas’aasay Abu Bakr al-Baghdadi ayaa sidoo kale dagaal kula jirta kooxda Taliban ee ka dagaalanta waddanka Afghanistan.
Warbixintan oo lagu daabacay wargeys laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo Long War Journal ayaa lagu sheegay in Kooxda Daacish aysan guulo sida u weyn ka gaari Karin dagalka la xiriira awood ku yeelashada waddanka Somalia ee ay kula jirto Al Shabaab, wargeyska ayaa sababta ku sheegay in Al Shabab ay heysato cudud ciidan oo dhalinyaro ah.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka u dhaxeeyo dhinacyadan ayaa laga yaabaa inuu gacan ka geysto dadaalada ay ugu jirto kooxda Daacish inay qortaan dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Bariga Afrika.

