Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo Kulan Xasaasi ahaa La Yeeshay Gudoomiye Mursal

0

Kulan u dhaxeeyay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha baarlamanaka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa xalay ka dhacay dhismaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ku taalla kasoo horjeedka Daarta Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Qabsoomidda kulankaan waxaa fududeeyay Guddigga xalinta khilaaf bixinta, iyo midka Golaha Shacabka oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Abdirashiid Xidig oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo socday muddo 3-saacadood ah ayaa waxaa loogu hadlay arrimaha xiisada Maamulka Koofur Galbeed xariga Muqtaar Roobow, muranka doorashada ka taagan, iyo Mooshinka ka yaalla Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Gudoomiyaha Gudigga xalinta khilaaf bixinta, iyo midka Golaha Shacabka Xildhibaan Abdirashiid Xidig ayaa sheegay in guulo laga gaaray kulanka labada Mas’uul islamarkaana wixii dhiman la dhameystiri doono.

Kulankaan ayaa imaanaya xili wali uu jiro khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka, Xukuumadda, Madaxtooyadda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana hakad galay Howlihii Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here