Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Duledka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho oo ah koontaroolka laga soo galo Magaaladda.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa la kacay ayaa qabsaday gaari Qooqan ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaxan ku dhintay 6-ruux oo kala ah 4 askari, darawalkii gaariga waday iyo qof goobta ku sugnaa.

