Hey’adda Bisha Case e soomaaliyeed ayaa xustay maalinta mutadawaciinta oo dunida laga xuso sanad kasta marka lagaaro bisha december. Waxaa xuskan ka qeyb galay qaar kamida mutadawaciinta kusuganmagaalada muqdisho.
Meelaha laga xusay soomaaliya waxaa kamid ah Gaalkacyo,Baydhabo iyo gobollo kala, munaasabada maalinkan lagu weyneenayo waxaa manta magaalada muqdisho ku qabtay hey’adda Bisha Case e soomaaliyeed,waxaana kazoo qeyb galay mutadawaciin kazoo shaweenayey mudo dhowrsano ah, ururadabulshada,ganacsato iyo ardayda jaamacadaha dalka.
Maxamed cali daahir oo kamida masuuliyiinta bisha cas xafiiska muqdisho ayaa ka hadlay ahmiyadda maalitaan ay leedahay “ Howsha mutadawaca waa howl aad u adag, mana aha mid la iloobi karo, waana tan aan manta isugu nimid si aan u muujino garab istaaga mutadawac kasta xilliga adag ee aanu ku jirno darted” ayuu ku gunaanaday hadalkisa.
Nuur cabdi kariin oo ah wiil dhalin yaro ah kana mid ah mutadawaciinta ururka bisha case e muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay caawiyaan oo ay wax baraan dhalinyarada dalka
“ waxaan tababaro ku aadan gargaar iyo latacaalidda xaalad dhacday siinaa qof kasta , inagoo si iskeen ah ku qabana howshaas”.
Inta munaasabaddu socotay waxa ay soo bandhigeen mutadawaciinta ku shaqeeya sida degdega ah, qaabka ay u shaqeeyaan xilliyada musiibadu dhacdo iyo gargaarka ay dadka waxyeeladu gaarto u fidiyaan.
Ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray kuxigeenka maamulaha xafiiska muqdisho ee Bisha cas Maxamed cabdi Warsame, waxaana uu ka sheekeeyey shaqada ay qabtaan Hey’adda Bisha cas, waxaana uu sheegay in ururku uu yahay mid umada soomaaliyeey u shaqeeya meelkasta ay joogaan.





