Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta ka hadlayay shir jaraaid oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaaladda muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka Xarakada Al-shabaab.
Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa sheegay in la tooganaayo ruuxii ka tirsan Shabaab ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay gacanta ku dhigaan xiliyadda ay howlgaladda socdaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay wixii maanta ka dambeeya inaysan jiri doonin naxariis ay sameeyaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo ay u sameeyaan xubnaha ka tirsan Shabaab.
“Qof Shabaab ah oo wax dilay oo qofkii uu dilay dhiig ka socdo, ayaan xabsi gayn jirnay, laakiin maanta wixii ka dambeeya xanuunka, geerida & dhaawaca dhibka uu leeyahay ayaan dareen siin doonaa, mana la iska yeelaayo taasi.” Ayuu yiri Indha Qarshe.
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili shabaab ay Khamiistii ay qarax ku dileen Taliskii 12-ka April ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

